Ergo Nabadeed oo gaaray Degamada Gallaadi ee Gobolka Doollo. 

Ergo nabad raadin ah  oo uu hoggaaminayo Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baalle ayaa  gaaray Degmada Gallaadi, oo ay ka jirto dhiilo colaadeed u dhaxaysa Qabaa’ilo Soomaaliya oo wada dega halkas.

Dhawanahan waxaa  dhiilo colaadeed iyo dilal kala duwani ay ka dhaceen  deegaano hoos taga Degamada Gallaadi oo ka tirsan Gobolka Doollo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida. Dhiilada colaada iyo dilalka ayaa u dhexeya Beelo  -Ood iyo dhaqan wadaaga oo  wada dega Gobolka Doollo.

Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan  Suldaan Xaaji Cali Baalle, iyo wafuud uu hoggaaminayo   ayaa gaaray Gobolka Doollo ee  Dawlad deegaanka Soomaalida.

Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan oo kasoo kicitimay  Gaalkacayo, ayaa Galabnimadii shalay 14 / 02/2019 Gaaray  Degamada Gallaadi oo ka tirsan Wardheer, Socdaalka Suldaanka ayaa ah mid Nabadeed, oo ku wajahan (Colaado)  kasoo cusbboonaaday  Ardaayada  wada dega  Koonfur bari ee Gobolka Doollo.

Ergo Nabadeedkaan Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan  Suldaan Xaaji Cali uu hoggaaminayo, ayaa gaari doona  deegaanada  sansanta colaadeedku  ay ka jiro oo ah  Santarada, Yumaarugley Bali haraale Baal,guray iyo Isgooys, oo  dhammaantood ka tirsan  Gobolka Doollo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Suldaanka ayaa  socdaalkiisa ka hor Baaq Nabadeed u jeediyey Beelaha Walaalaha ee –Oodwadaaga kuwaasoo  kasoo kala jeeda Caabidwaaq  iyo Qalloocan, isagoo sheegay  in la xakammeeyo wax kasta oo dhibaato iyo colaad keeni kara.

Cuqaasha  iyo waxgaradka Gobolka Doollo ayaa aad uga war sugaya Socdaalka Suldaanka si loo xaliyo  xassaradaha  kasoo cusbboonaaday  Gobolka Doollo ee ku saleysan  Aar-goosiga & Aannooyinka Qabiilka  ee Soomaalidu  caanka ku tahay meelay degaaba.

Dhacdooyinkan kasoo cusbboonaaday  Gobolka Doollo ayaa keenay kadib markii Dilal iyo aar-goosi uu ka dhacay deegaanka  Bali Haraale Baal-goray Goldogob iyo Gallaadi  oo dhammaantood  isku ujeeddo aha.

Ciidamada Bileyska  ee  Dawlad deegaanka ayaa gaaray maalmo ka hor  Santarada Baliharaale Iskgoys  Yamaarugley , Baal-goray  si ay u kala ilaaliyaan Dadka Xoola dhaqatada ee  Hubka isku haysta.

Ugu dambeyntiina waxaa la filaya inay kubiiri doonan Ergooyin kale oo Nabad raadin ah  si loo xaliyo colaada   laga abaabulayo deegaanada aan kor kusoo xusnay.

Goob  joogayaal aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in isbaaabul iyo dhiilo colaadeed ay ka jirto  dhulka miyiga ee hoos taga Gallaadi dhankeeda Koonfured..

Nabad ayaa naas la nuuga leh  xasiloonidu waa furaha nolosha Aadamiga miyi iyo magaalaba.

Cabdinuur Faarax Maxamuud.

<