Khilaafkii madaxtooyada Puntland iyo saxaafada xorta ah soo kala dhex galay oo la dhameeyay.

Waxaa xalay kullan gaar ah ku wada qaatey xarunta Madaxtooyadda Garowe Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Denni iyo Masuuliyiin ka tirsan bahda hay’addaha warfidiyeenka saldhigoodu yahay Puntland.

Gudoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP,  Mohamed Daahir Caysane ayaa hogaamiyay guddi ka kooban 6 qof oo lagu soo xuley shir maanta wariyaashu ku yeesheen GAROWE, si looga fogaado xumaan iyo khilaaf laga dhex abuuro warbaahinta iyo madaxda Puntland.

Kullankan oo saacado socdey qodobadii looga wada hadley waxaa ka mid ahaa:-

1.Muhiimadda ay leedahay dhaqan gelinta xaqa helida xogta (Access to information).
2.Xoojinta xiriirka warbaahinta iyo dowladda.
3.Badqabka suxufiyiinta Puntland iyo baahida loo qabo in masuuliyadd ay dowladdu iska saarto dabagalka iyo baaritaanka kiisaska wariyaasha la xiriira.

Saxaafada madaxa banaan ee Puntland ayaa dhawaanahaan ka cabanaysay in xafiiska warfaafinta madaxtooyadu ka hor istaagay inay duubtaan wararkii magacaabida iyo dhaarinta golaha wasiiradda cusub, taasoo keentay in saxaafada go’aansato in si kumeel gaar ah loo joojiyo tebinta wararka madaxtooyada.

Puntlandi.com