Handaraabkii madaxweyne Deni saaray qasnadaha dowladda oo weli sidiisii u taagan.

Go’aankii uu madaxweyne Deni uu kusoo rogay qasnadaha dowladda inaan wax qarash ah laga bixin karin, ayaa weli sidiisii u taagan, iyadoo go’aankaas uu sababay in masuuliyiin badan oo kamid ah golihii hore ee wasiiradda ay goor horeba sii faatujiyeen xafiisyadoodii.

Inta badan xafiisyada wasiiradda xukuumadii hore ayaa qufalan tan iyo markii uu dhacay isbedelka hogaanka Puntland iyo go’aankii madaxweynaha kaga xannibay masuuliyiinta dowladda inaysan wax qarash ah ka bixin karin koontooyinka uga furan bangiga dhexe iyo xawaaladaha.

Sidoo kale, shaqooyinka wasaaraddaha dowladda ayaa hakad ku jira maadaama uu xanniban yahay qarashaadkii lagu kala socodsiin lahaa howlaha adeegga dowladda, waxaana xusid mudan in wasaaraddo badan ay albaabada isugu laaban yihiin kadib markii adeeggii uu ka go’ay.

Wasiirka maaliyadda Puntland oo lagu waday dhaarintiisa kadib inuu xilka la wareego si xannibaada looga qaaday qarashaadka dowladda, ayaa dib u dhac ku yimid.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in marka la meel mariyo golaha wasiiradda madaxweynuhu fasaxo qarashaadka dowladda ee la xayiray.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

 

<