Wajigii koowaad ee dhismaha Birriga dekeda Garacad oo lasoo afjaray

Garacad. Wajigii koowaad oo lagu dhisayay Birriga ayaa la dhameeyay, waxaana dhawaan la bilaabayaa wajiga labaad oo loogu gudbayo gunta hoose ee Badda.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa sheegay in ay guul ugu soo dhamaadeen howlo u dhimanaa, iyagoo xusay in dhawaan la bilaabayo howlaha ugu muhiimsan.

Xildhibaanno ka socda Dowladda Soomaaliya, Guddiga dhismaha Dekadda Garacad, Ganacsato, Maalgashadayaal iyo dadka deegaanka ayaa maanta ku kulmay Garacad.

Guddiga ayaa sheegay in la jeexayo naqshada deegaanka Garacad iyo dhismaha Wadada isku xirta Jariiban iyo Garacad.

Puntlandi.com