Taliyaha ciidanka booliiska Puntland oo soo bandhigay dadkii ka dambeeyay dilka nin anacsade ah oo Bosaso lagu dilay

Taliyaha ciidanka booliiska Puntland, sareeye gaas, Muxidiin Axmed Muuse ayaa goor dhow saxafada usoo bandhigay rag dhalinyaro ah oo ka dambeeyay dilka nin ganacsade ah oo habeeno ka hor lagu dilay magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Taliyaha , ayaa Sheegay in dhalinyaradan gacanta lagusoo dhigay isla habeenkii uu falka dhacay, kadib markii ciidamadu ay sameeyeen baaritaano xoogan, waxaana kaloo lasoo bandhigay hubkii wax lagu dilay.

Gen. Muxyadiin ayaa tilmaamay in Dhalinyaradani 4-ta ah ay qeyb ka yihiin Kooxaha argagixisada ah ee Ammaan darada ka waday Boosaaso, Isagoona sheegay inay hor-keenayaan Cadaalada.

Wuxuu sheegay dhalinayarada dadka dhaca inay yihiin argigixisada saddexaad ee Puntland dhibaatada ku haysa.

Puntlandi.com