Taliyaha ciidanka booliiska Puntland oo sheegay inay jiraan dad waji argigixsio shacabka lacago uga qaata

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland sareeye Gaas, Muxidiin Axmed Muuse ayaa sheegay inay jiritaan shakhsiyaad ku shaqeysta waji arggigixiso, kuwaas oo ganacsatada magaalada Bosaso uga qaata lacago baad ah iyagoo ugu hanjabaya inay dilayaan haddii aysan bixin.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay hayaan kiisas badan oo nuucaas ah ayna wadaan baaritaano ku saabsan cida ka dambeysa arrintaan, waxaana uu hadalkiisa ku caddeeyay inay arrintaan camal ka dhigteen dad doonaya inay dhaqaale ka helaan ganacsatada.

Muxidiin Axmed Muuse, wuxuu u sheegay cid kasta oo loogu hanjabay inay lacago baad ah bixiyaan ay lasoo xiriiraan ciidanka booliiska una gudbiyaan cida usoo hanjabtay, waxaana taliyuhu balanqaaday inay gacanta kusoo dhigidoonaan meel kasta oo uu joogo qofkaas.

Waxaa taliyuhu nasiib darro ku tilmaamay in dadka dhibaatadaas loo geystay ee inta badan hanjabaad lacago looga qaato inaysan lasoo xiriirin laamaha amniga, si wax looga qabto arrintaas.

Puntlandi.con