Qaar ka mid ah Kooxaha Suufiyada Somalia oo mar kale u qaraab tagay Xukuumada Shiicada ee Iiraan

Qaar ka mid ah kooxaha Suufiyada Somaalida oo markii horeba lagu tuhmaayey in ay xiriir la leeyihiin Dawlada Iiran iyo Hayadaheeda gargaarka oo lagu eedeyen jiray in ay Wadanka gudihiisa ku fidiyaan Mad-habda Shiicada ayaa mar kale u qaraab tagay Xukumada Raafidada ah ee Iiraan.

Koox Sufiyiin ah oo uu hogaaminayo Afhayeenkii hore ee Xarakada Sufiyiinta Maxamed Xasan Awliyo ayaan dhawaanahan boowasho ku joogay Dalka Iiran.

Kooxadan oo marti u ahaa Hayadaha Gargaarka ee Iiran, iska markaanka u xilsaaran fidinya Mad-habata Shiicada, ayaa la sheegay in ka wadahadleen sidii dib loogu soo celin joogitaankii Hayadaha Shiicada ee Somaliya, kuwaas oo Dalka Somaliya ay ka saartay Xukumadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ka soo baxay qaar ka mid ah kooxaha Suufiyiinta ayaa sheegaya in Hayada Gargaarka ee Shiicada Reer Iiran ay balan qadeen in dib u soo celin donaan gargaarkii iyo taageradii ay siin jireen qaar ka mid ah Kooxaha Suufiyada Somalia.

Sidoo kale Dawlada Iiran ayaa si ay u wanaajiso xiriirka ay la leedahay Dawlada Madaxweyne Farmaajo sii daysay Kaluumeysto Somaaliyeed oo Ciidamda Badda ee Iiran hore uga qafaasheen xeebaha Somalia, kuwaas ay ku eedeysay in ay yihiin Budhcad badeed