Photo News : – Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland ” Shaqo wacan qabta ama noqda kuwa aad hada badalaysaan oo kale “

Su’aasha maanta , labo ama sadex ka magacow Wasiirada xilka baneeyey(Xukuumadii Gaas)?

Su’aashaas jawaabteeda waxaan u dayney shacabka Puntland, wax qabadka xukuumada waxaa hor u dhac u ah in xilkas ah oo shaqadooda lagusoo xasuusto markay xilka baneeyaan,Wasiir aysan shacabku aqoon magaciisa iyo Wajigiisa wuxuu gabay oo dayacay xilkii loo igmadey.

Cabdi Farax Juxa wuxuu ahaa Wasiirkii ugu caansanaa Puntland tobankii sano ee lasoo dhaafay(Xukuumadii Faroole) Waxay taas ka turjumaysaa wax qabadkiisii Mudaduu xilka hayay.

Golaha Wasiirada cusub ee Puntland ,wasiir.wasiir u Dowle iyo Wasiir Xigeen, Mudanayaal soo dhawaado oo noqda kuwo u adeega shacabka ee ha nowon mid canshuurta Shacabka uun qaata.

Sawiradaan hoose waa Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Cabdullaahi Saciid Dani