Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal Wasaare Kheyre oo ku kala booday isbedalka lagu sameynaayo Masuuliyiinta sare ee Bankiga-Dhexe ee Somaaliyeed

(Muqdisho ) Feb.13, 2019

Waxaa in dhoweydba khilaaf aad u xoog badan uu dhex-yaal Madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre, ka dib markii laysku af garan waayay arrinta maamulka cusub ee la doonayo in lagu wareejiyo Bankiga-DHexe ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warkan oo aan ka helnay xubno aad ugu dhow Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, khilaafka ayaa ka bilowday markii loo yeeray Gudoomiyaha Bankiga-Dhexe ee Somaaliyeed , Mudane Bashiir Ciise Cali , si loola socodsiiyo qaabka uu xilka u wareejinayo iyo xilliga uu wareejinayo.

Lakiin sida wararku sheegayaan waxay arintu xumaatay oo ay faraha ka baxday hasa markii uu Ra’isal Wasaare Kheyre soo jeediyay in dhammaan saraakiisha la shaqaysa Gudoomiyaha Bankiga-Dhexe Bashiir Ciise oo tiradooda lagu sheegay 10 sarkaal iyo asagaba (Bashiir Ciise) ay baneeyaan xilalka ay hayaan laguna bedelo ninka Ingiriiska ah ee lagu magacaabo Nigel Roberts iyo koox uu wato oo aajnabi ah.

Warkan ayaa intaas ku daraya in Madax-weyne Farmaajo uu aad ugu xummaaday sida Ra’isal Wasaare Kheyre ugu cad-cadyahay isla markaasna ugu dheggenyahay go’aankiisa ah in dhammaan madaxda ugu sareysa Bankiga-Dhexe ee Somaaliyeed laga dhigo dad aajnabiah, ayaa arrintaas isna si adag uga hor yimid, isla markaas ku amray Gudoomiyaha Bankiga –Dhexe ee Somaaliyeed Bashiir Ciise iyo kooxdiisa 10 ka ah inay sii wataan shaqadooda.

Sida ay xaqiijiyeen xubnahaas, 10 ka sarkaal ayaa muddo dheer waxay taba-baro la xiriira shaqooyinka ay hayaan ku soo qaadanayeen dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Madax-weyne farmaajo ayaa ku dadaalay in arrintan ay ku dhammaato si wada hadal oo aysan bannaanka u bixin, laakiin waxaa dhinaca kalana adag in Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka noqdo go’aankiisa la xiriira arrintaan, waxayna dad badan oo xiriir dhow la leh Ra’isal wasaaraha sheegayaan inay adkaan donto in Kheyre uu ka noqdo arrintaas, maxaa yeelay mar hore ayuu u ballan qaaday xilalka ay hayaan sarkiishaas dad aajnabi, waxaana jira warar aan rasmi ahayn oo sheegaya arrintan ay Kheyre la ogyihiin Af-hayeenka golaha shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Muuddeey.

Waxaa la saadilnayaa in ay aad u adkaan doonta in Madax-weyne Farmaajo oo shacabka intiisa badan taageero shuruud la’aan kaga helay inuu yahay wadani dalkiisa jecel inuu dib uga laabto go’aankiisa ama uu Kheyre ku raaco in Madaxda Bankiga Dh0exe ee Soomaaliya oo dhan ay noqdaan aajnabi.

Golaha SHacabka Soomaaliyeed baa bishii la soo dhaafay ansixiyay in bankiga dhexe uee Soomaaliya uu madax ka noqon karo, ka dib markiiay tureen qodobkii diidayay arrintaas, si loo keeno Nigel Roberts.