Golaha wasiiradda Puntland oo maanta la filayo in la cod loo qaado

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni, ayaa saaka la filayaa in xukuumadiisa cusub uu horgeeyo barlamaanka Puntland, si uu uweysiisto inay siiyaan codka kalsoonida barlamaanka.

Kadib markii maalintii shalay golaha wasiiradda la dhariyay, madaxweyne Deni ayaa wasiiradda faray inay diyaarsadaan barnaamijkii ay la hortagi lahaayeen golaha wakiilada.

Waxaana qorshuhu yahay in wasiir waliba uu golaha ka hor jeediyo warbixin ku saabsan taariikhdiisa aqooneed iyo waxqabad ee uu ku kasbaday inuu kamid ah xukuumada.

Ku dhawaad 45 xubnood oo katirsan golaha wasiiradda ayaa hadda ku sugan Garowe, halka inta dhimana ay ku maqan yihiin dalka dibadiisa.

Dhinaca kale, isla maanta wasiirro ayaa la filayaa inay xilkooda la wareegaan, waxaana kamid ah wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shirre Abgaal.

Puntlandi.com