(SAWIRRO) Ciidanka PSF Puntland oo gacanta ku dhigay dad doonayay inay ku biiraan ururka Daacish

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Bosaso.

Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas.

Ciidanka Amniga Puntland waxay shacabka reer Puntland ugu baaqayaan in ay ciidanka #Amniga la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah,si Puntland looga sifeeyo kooxaha cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab.