Qoyska Paul Farmosa,” Aabbaheen, dadka Soomaaliyeed wanaagooda ayuu mar walba nooga sheekayn jiray

Qoyska uu ka geeriyooday agaasimihii shirkada DP World maamulaha uga ahaa dekeda Bosaso Paul Farmosa ee dhawaan lagu dilay magaalada Bosaso, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool jasiirada Malta lagula kaco falal cunsurinimo ah oo aargudasho ah.

Sarah Formosa oo ah gabadh uu dhalay Paul Farmosa, ayaa sheegtay dadka Soomaaliyeed inay yihiin dad wanaagsan, islamarkaana uu Aabbaheed uga sheekayn jiray in Soomaalida tobankii qofba, 8 kamid ah ay yihiin dad wanaagsan, labana ay xun yihiin.

Waxay sheegtay in badi dadka Soomaaliyeed yihiin dad wanaagsan, howl kar ah, sidaas daraadeed waxay tilmaamtay inaan loogu beegsan karin ficilada ay sameeyeen kuwa xun ee Aabbahood dilay.

Sarah waxay kaloo hadalkeeda ku dartay in dadka Malta ay dhammaantoo ahayn cunsuriyeen, balse ay jiraan dad kooban oo cunsuriyeen,

Puntlandi.com