Caqabadaha horyaala xukuumada cusub ee madaxweyne Deni. W/Q:- Aqoonyahan Saalim Saciid

Xukuumadda cusub ee MW Deni xalay ku dhawaaqay isu gayn waa 48 wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiir dawle .
Badi xukuumadda waxaa aad uga dhex muuqda shakhsiyaad dal joog ah , oo qaarkood ka soo shaqeeyyay arrimaha tacliinta , horumarinta iyo bini-aadnimada.

Waxaa muuqata in culayska ka imaanayay qabaailka ugu damayn uu jiiray iskudaygii MW ee ahaa inuu yareeyo tirada wasiirada, waxaana sicir barar ka muuqdaa dhanka wasiir dawlayaasha oo aad moodo inuu MW badiyay si uu isaga yareeyo cabashada qabaailka.

Xukuumadda cuusb waxay wajahaysaa dhibaatooyin, amni, dhaqaale iyo siyaasadeed oo Puntland wajahayso waxaana la eegi doonaa sida golaha xukuumadda u fuliyo ballanqaadyadii MW sameeyay xilligii doorashada, .

Caqabadaha ugu badan waxay ka imaanayaan in aan wasaaradaha qaar lahayn shaqo qeexid oo aanay jirin xeer lagu asaasay taas oo keenaysa si qabqabsi shaqo iyo khilaaf dhex mara wasaaradaha qaar. Waxaa kale oo jira hay’ado maadxbannaan oo shaqadooda iyo shaqooyinka wasaaradaha qaar iksu qaan yihiin, una baahan in dib u eegis lagu sameeyo.

Guud ahaan , hambalyo ayaaan leenahay wasiirada cusub ,waxaana allaah uga baryaynaa inuu xilak ka asturo oo noqdaan kuwa kasoo dhalaala masuuliyadda loo igmaday.

W/Q: Salim Said

Puntlandi.com