Barlamaanka Puntland oo go’aan kasoo saaray golaha wasiiradda ee lasoo magacaabayo

Barlamaanka dowladda Puntland ayaa manta cod ku meel mariyey in golaha Xukuumada ee madaxwayne Deni laga sugayo duuduub loo ansixiyo.

26 ayaa ogolaatay in duuduub loo Anisixiyo halka 24 ay diideen,  saddexna waa ka aamuseen.

Waxaa xusid mudan in bilowgii kalfadhiga Anjandaha lagu sheegay in xukuumada mid mid loo Ansiyo.

Meel marintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo galabta ama berito lagu wado in madaxweynuhu ku dhawaaqo liiska golaha wasiiradda Puntland oo aad loo sugayo.

Puntlandi.com