Maraykanka oo sheegay in Shabaab aan looga guulaysandoonin duqeymo kaliya.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Thomas Waldhauser, ayaa sheegay duqaymaha Maraykanku kula dagalaa  mayo kooxda Alshabaab  inaysan joojindoonin weerarada Shabaabku ka geysanayaan Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa ugu baaqay in la qaado tilaabooyin kale oo lagula dagaalamayo Shabaab.

“Duqeymaheena ma ahaandoonaan kuwa looga guulaysto Alshabab, ayuu yidhi Thomas Waldhauser.

Wuxuu sheegay cid aan ahayn ciidamada Soomaaliya inayan qaadan karin masuuliyada waddankooda, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la helo ciidamo qaran oo ciyaara doorkooda.

Wuxuu hadalkiisa ku daray duqeymaha Maraykanku inay caawinaad u yihiin ciidamada Soomaaliya si u koraan.

Puntlandi.com