Daawo Fadeexad iyo Musuqmaasuq Cad : – Wasiirka Maaliyada Hargeysa Dr.Sacad Cali Shire oo sheegay in ay Dekeda Berbera sannadkii 5 Million oo Dollar kaliya uga ijaareen Shirkada Dp World, iyo in Miisaaniyada aan lagu darin lacagtaas oo hore loo cunay

Musuqmaasuqa iyo Qawleysatada Budhcada ah ee aan damiirka la heyn ee ku habstay hogaankii Siyaasadeed iyo Taladii Dalka iyo Dadka Somaaliyeed waa in loo aqoonsado MASIIBO QARAN.

Madal furan oo xalay ka dhacday Magaalada Hargeysa oo lagu Gorfaynaayey Miisaaniyadda 2019 ee Maamulka Somaliland ayaa Su’aalihii Ugu Muhiimsanaa ee la weydiiyey Wasiirka Maaliyada Maamulka Hargeysa iyo Jawaabihii uu ka bixiyey ay Muujinayaan in Kooxo Mafia ah oo aan xishooneyn uu Dalkii u gacan galay.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Hargeysa Dr.Sacad Cali Shire ayaa la weydiiyey Su’aal u dhigneyd Sidan :

Su’aal : Mudane Wasiir bal noo cadee cadadka lacagta ee Dawladu Somaliland ay Dekada Berebera iyo Saldhiga Milatary uga kireysay Shirkada DP WORLD iyo Dawlada Emaraadka, iyo sababta lacagtaas kirada ah ay uga maqan tahay ee aan loogu darin, laguna xusin Miisaaniyada sannadka 2019 ?

Jawaab : Wasiirka Maaliyada Maamulka Hargeysa Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku jawaabay in Maamulka Somaliland uu Dekeda Berbera uga Ijaaray/Kireeyey Shirkada DP WORLD sannadkii lacag dhan 5 Million oo Dollor oo kaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaas 5 Million ah aan miisaaniyada sannadka 2019 aanay ku jirin, oo aan lagu darin, sababtoo ah buu yiri ” HORE AYEYNU U SII CUNAY/ ama QAADANAY ”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay In aan Saldhiga Milatary Emirateka aan wax lacag ah laga qaadan, balse lagu badeshay in ay dhisaan wadada Isku Xidha Berbera-Wajaale iyo Airport cusub.

Hore ayuu Wasiirkii hore ee Maaliyada Maamulka Hargeysa Marwo Samsam u sheegtay in lacag xaqul qalin oo dhan 10 Million oo Dollar ay ka qateen Shirkada DP WORLD iyo Dawlada Emarataka.

” Ogow meel walba oo Somaali joogto Masiibadaa iyo mid ka daran baa ka jirtee ”

Halkan Su’aasha Wasiir Dr.Sacad la weydiiyey iyo Jawaabtiisa Argagaxa leh