Barlamaanka Puntland oo maanta go’aan ka qaadanaya sii jiritaanka guddiga doorashooyinka

Barlamaanka dowladda Puntland ayaa saaka u yeeray guddiga doorashooyinka Puntland, iyagoo su’aalo lagu weydiinayo fadhiga ay maanta isugu yimaadeen golaha wakiilada.

Lama garanayo sababta loogu yeeray guddigaan, waxaana haatan laga dhegaysanayaa warbixin ku saabsan waxyaabaha ay ka qabteen arrimaha dimuqraadiyada ee loo igmaday.

Guddiga arrimaha bushada oo warbixin kasoo diyaariyay nidaamka dimuqraadiyada wareysiyana ka yeeshay guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay caqabadaha hor taagan in ay kamid yihiin, inuu meesha ka maqan yahay doorkii xukuumada uga aadanaa hirgalinta dimuqraadiyada, dhaqaale xumo iyo wacyi galin la’aan.

Waxy guddi ku taliyeen in la sameeyo wixii xeerar ah oo laga maarmaan u ah nidaamkaan, in la helo go’naansho dowladdeed, in la helo koontada dhaqaale ee dimuqraadiyada, in la xoojiyo guddiga doorashooyinka, in guddigu sii wado howshiisa bilaabana diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo wacyi galinta iyo in guddiga furaan xafiisyadoodii.

Barlamaankii hore ee Puntland ayaa guddigaan bishii june ee sanadkii hore u ogolaaday inay shaqadooda sii wataan, hase yeeshee barlamaanka cusub ayaa maanta la filayaa inuu go’aan ka gaaro sii jiritaankooda

Puntlandi.com