(VIDEO) Dowlad goboleedyada oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan shirka shidaalka Soomaaliya

Wakiilada dowlad goboleedyada uga qeyb galaya shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmaya London ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen ayay ku caddeeyeen in shirkaas lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya, waxayna beeniyeen habo yaraatee in lagu xaraashayo kheyraadka shidaalka.

Waxay sheegeen dad ujeedooyin gaar ah xambaarsan inay doonayaan inay ummadda Soomaaliyeed jahwareeriyaan.

Halkaan kua daawo.