GAROOWE IYO GACAL-SOORKEEDII: W/Q: Abdikadir Dhakane Omar

Maalinnimadii shalay oo ay ku beegnayd 30/1/2019 ayaan ka soo ambabaxnay magaalada Garoowe annagoo tagnay Jowhar kadibna Muqdisho uga sii gudubnay, waxaan ku sugnayn halkaas muddo shan casho ah una tagnay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane: Saciid Cabdullaahi Dani.
Garoowe waa caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya waxay dhacdaa dooxada Nugaal ee waqooyi bari gobolka Nugaal, waxay ku taalaa dhul kacsan oo buuraley ah, waxaana lagu qiyaasaa in ay ka sareeyso heerka cabirka badda (Sea Level) in ka badan 1,650 feet, aniga shaqsiyan waa markii iigu horeeysay ee aan tago magaalada Garoowe.

Gobolka Nuugaal guud ahaan waa dhul qallalan oo kuleeyl ah isla markaana roobkiisu aanu badnayn, dabcan magaaladuna waxay qeyb ka tahay gobolka waana kuleeyl badanaa xiliga maalintii ah, inkastoo habeenkii qaboow badani jiro.

Garoowe waxaan ku soo arkay dad Soomaaliyeed oo qiima badan runtii, nabad jecel, laab-furan, isla markaana ku fiican sooryeeynta iyo soo dhaweeynta, aniga oo jecel in aan sii joogo magaalada, lana sii qaato waqti asxaabtii qiimaha iyo quruxda badneeyd ee aan isbaranay ayaa nasiib darro ka soo huleelay Garoowe. Waxaan soo arkay dad dowladnimo iyo isku duubni raba, waxaana daliil u ah habeenkii munaasabaddii lagu maamuusaayey madaxweynaha cusub ee Puntland waxaa halkaas hadal-murtiyeed iyo maanso maan-gal ah oo nuxurkeedu ahaa midnimada Soomaaliya ka soo jeediyey Faarax Murtiile oo ah hoobal iyo hal-abuur Soomaaliyeed, waxaa cajiib ahayd sida loogu istaagay fanaanka, majirin ayaan isleeyahay mid sidaa oo kale loogu sara-kacay madaxdii meeshaa isugu timid. Taasi waxay muujinaysaa reer Puntland in ay u baahi qabaan midnimo ay hesho Soomaaliya.

Garoowe waxaan isku aragnay dad badan oo garashadoodu aad u sareeyso garoowshiyana leh, taasoo aan u qaatay bulshada reer Puntland inteeda badani in ay sidaan u egtahay, maxaa yeelay waxaan garwaaqsaday horumarka ka jira Garoowe in ay ka danbeeyaan dad Soomaaliyeed oo maankooda iyo maskaxdooduba caafimaad qabaan.

Amniga magaalada haddii aan eegno, waa mid la isku haleeyn karo, waxyaabaha isoo jiitay ayuuna ka mid ahaa ammaanka Magaala Madaxda Puntland, maxaa yeelay waxaad mareeysaa meel walba oo aad rabto madax iyo minjo kii aad rabto noqo’e, xilli kasta oo aad u baahato. Madaxda iyo mas’uuliyiinta isugu timid Garoowe oo isugu jiray heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed dhamaantood waxay isla qirayaan qaar badan oo aan la hadlay arrintaan amniga la xiriirta ee aan kor ku soo xusnay. Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah, qaar ka mid ahaa wasiiradii iyo xildhibaanadii isugu yimid Garoowe qaarkood ayaa laga dhaadhicin kari waayey in ay ka soo degaan gawaarida oo ay lugeeyaan iyaga oo u baqaya amnigooda dartii, walow markii dambe lagu qanciyey in uu suganyahay ammaanka magaaladu, oo markaa kadib ay billaabeen in ay u soo dhaadhacaan dhulka si ay cagtooda u maalaan.

Magaaladu waxa ay ku socotaa koritaan xowli ah waanay kortay dabcan markii loo eego Garoowadii hore iyo waqtigii lagu heshiiyey in ay noqoto caasimadda Puntland oo ahayd goortii la unkay maamulkan kuna beegneyd 1998-kii, xilligaas oo madaxweynihii ugu horeeyey loo doortay Puntland alle ha u naxariistee G/le Sare: Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Dhanka ganacsiga haddii aan eegno dhaqaale badan ayaa yaala magaalada, inkastoo aanan hayn xog dhab ah oo muujineysa cadadka dhaqaale ee yaala, haddana waxay indhahaygu qabanaayeen xaruma ganacsi oo aad u muhiim ah, sida Dukaamo ama Carwooyin camiran, Hoteelo waaweyn oo qurux badan, warshado wax soo saar leh iyo kuwa kale oo badan, waxaa kale oo in la xusa mudan magaaladu waxay leedahay Duulaa-deg casri ah oo mar dhow gacanta laga qaaday, wadooyin waaweyn oo qurux badan iyo Qorshe Dhismeed Magaalo (Town Plan) oo aad kuu soo jiidanaayo.
Waxaan jecelahay in aan ku soo gunaanado mahad-naq iyo maamuus aan u haayo reer Puntland gaar ahaan reer Garoowe anoo ku hadlaayo magaca dhamaan xubnihii aad ku casuumteen caleema saarka Madaxweyne Dani ee ka socday Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaan leenahay waad nasoo dhaweeyseen soo dhaweeyn aanan abid arag, waad na gob-soorteen, waad na xiisa iyo xamaasad geliseen, garanmeyno si aan idinkugu abaal-naqno, gacal-soorkiinii qiimaha badnaa, kaliya waxaan oran karaa waad mahadsantihiin reer Garoowe kun iyo kow jeer.

W/Q: Abdikadir Dhakane Omar