Shirka London : – Shidaalka Soomaaliya waa wali ka hadalkiisa. !!

Qore :Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Golaha-Shacabka wali wuxuu ku shaqeeyaa
Xeerkii Qab-Qablayaashii Dagaalka!..Waxay
Ina badeen waxay ina bareen baa nooga daran!

Kheyre iyo Farmaajo waxbaa loo dhiibtay ees hidaalka iyo guud ahaan dalka iyaga gaar uma laha, laakiin Golihii-SHacabka ayeey yeesheen oo noqday Golihii Kheyre iyo Farmaajo!Golihii-SHacabka wuxuu noqday mid ay leeyihiin dadkii markii la dooranayay maal geliyay oo ay ku jiraan shisheeye, iyagii bayna wakiil u noqdeen halkay dadkooda wakiil u noqon lahaayeen (xil-dhibaanno aan badnayn baan hadalkaan mudnayn) laakiin shaki kuma jiro mar kasta Soomaaliya meesha laga dumiyo ama dhibaatooyinka iyo waxyeellada loo geysanayo laga sharciyeysto inay yihiin xil-dhibaannada ama wax loogu yeero magaca la dilay ee dhintay ee Golaha-SHacabka!…

Mar way aamusayaan sidii dad aan waxba ogeyn oo aan dhibaatada socota ka war hayn, mar mooshin bay keenayaan…intaba dano gaar baa lagu fulinayaa!…

Mar Gudniinka Fircooniga ah baay ka doodayaan, mar xuquuqda haweenkay ka doodayaan, mar hay’ado samo-fal ood hammaan dalal shisheeye ah ay leeyihiin…intaba dano gaar ah baa lagu fulinayaa!…

Deegaanka Xalane, Xasan Shiikh Max’ud baa wuxuu siiyay waxaan la aqoon cid ay yihiin, xataa uma maleynayo inuu isaga inoo magacaabi karo dadka u siiyay, keliya wuxuu dhihi karaa “Beesha Caalamka!” Golahaan magacoodu ba’ay ee xil-dhibaannada lagu sheego oo xilligaas uu gudoomiye u ahaa odayaan wax duco ah inooga dhicin Maxa’ed Cusmaan Jawaari, mar keliya kama hadlin, Jawaari sida la sheego isaga iyo Xasan Sjiikh Max’ud way isla ogaayeen arrintaas!…

Xasan Shiikh Max’ud, sida la sheegay wuxuu kaloo saxiixay sal-dhigga Ciidammada Maraykanka ka dhisanayaan Balli-Doogle muddo dhan 99sano, sidaasoo kale waxaa la sheegaa Jawaari inuu la ogaa!…

Waxaas oo dhan golihii shacabka ee xilligaasi iyagoo og bay iska dhigayeen inaysan ogeyn oo shibahaayeen!…Xasan Shiikh waxaa lagu abaalmariyay in laga dhigo xil-dhibaanaan dhicin!…arrintaa soo meel ka-dhac kuma ah codka dad-weynha, Golaha-SHacabka xubinimmadiisana ma noqon karto mid magacaabis lagu soo galo!…

Golaha-SHacabka, waxaa dhaqan u noqday oo ay dhaxleen min gudoomiye ilaa xubnaha xil-dhibaannada ah, dhaqankii Sharif Xasan Shiikh Aadan ee ahaa in madax-weynaha wax kasta lagu qabsado ama lala shaqaysto (dano gaar ah laga fushado).

SHariif Xasan oo u abaal gudayay Qab-Qablayaashii Dagaalka oo markii u horeysay ee Af-Hayeenka loo doorto taageero hiil iyo hooba ah isla garab taagay, ayaa waxay u isticmaaleen inay kula dagaalaan siyaasadddii Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi, waxyna Qab-Qablayaasha Dagaalka (waa kuwii Muqdisho e’) dhinaca kale awood u lahaayeen inay handadaan Xil-dhibaannada, siiba Xil-dhibaannada kuwa ka soo jeeday gobollada ku dhow-dhow Muqdisha, si ay ugu qasbaan inay taageeraan Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu u adeegayay siyaasaddii Qab-Qablayaashii Dagaalka.

Arintaas waxaa ka dhashay marka in dhaqaale laysu adeegsado, waxaa iyagana ku dhex jiray ganacsatadii Suuqa Bakkaaraha oo taageerayay Siyaasadda Qab-Qablayaashii Dagaalka waxayna markii dambe isu bedeshay dhaqan la bartay oo ay kala dhaxleen af-hayeennadii iyo xil-dhibaannadii baarlamaannadii kala dambeeyay.

Waxay arrintii gaartay in golayaashii dowladda ay shaqadoodii ilaawaan oo ay sugaan in dalal shisheeye ay wax u sharciyeeyaan, iyaguna dulaalaan! Waxay ina bareen baa?!

Golayaashii dowladda oo loo sameeyay isla xisaabtanka si loogu ilaaliyo danaha ummadda iyo tan aayaha jiilasha soo socda waxay isu bedeleen Dan-Wadaag wada shaqaysata.

Waxaa sidoo kale arrinta uga sii daray xil-dhibaannada qaarkood oo iyagu dhaqankaas ku baraaray, oo sanad kasta aan ka dhicin oo xil-dhibaan loo soo doorto, kuwaas oo arrimaha nocaan ah waayo arag ku noqday isla markaasna Mukhalisiin joogta ah ka noqday arrimahaas.

Mar kasta oo aad fiiriso oo ay wax khaldamaan barlamaanka ama Golaha Shacabka ayaa fududeeya, mar ay ka aamusaan oo ay iska dhigaan inaysan arrimaha socda ka war qabin, iyo mar mooshin been ah la keeno, oo marka dambe xil-dhibaannadii keenay inta qaar la gato ay yiraahdaan waa lay nabsaday!…

Waxaan maqli jiray xishood daranaa, ma wajiguu timo ku leeyahay!!… Tusaale waxaa kugu filan sida uu u dhaqmay Gudoomiyaha Barlamka Max’ed Mursal markii ay isaga iyo golaha fulinta isku qabteen guddigii maaliyadda ee golaha shacabka!… Mursal “Alif Wax ma leh! Maya, maya,Astaghfura Allaah Alif kor kaa leh!”… Itoobiyaa lala midoobay,Tigabu Yilme baa laynooga dhigay Madaxa Ciidanja Amisom, baddii baa la gaday, dekedaa baa la gaday, Nigel Robert baa daraaddii qodob dastuur ahaa loo tuuray waxaas oo dhan barlamaanku waa is mogeysiinayaa, maantana waxay taagantahay in Maamul goboleeddada iyadoo lagala cararayo shidaalkii iyo macdantii dalka la xaraasho!…

Ninkii aan ogeyn iyo ninkii ogaaba xaqiiqda khilaafka Maamul- Goboleeddada iyo Dowladda Federal-ka waa shidaalka la rabo in lagu wareejiyo Shirkadda Spectrum Geo LTD, waxa kale ee ay sheegayaan Kheyre iyo Farmaajo waa jah wareerin iyo dad-weynaha lagu mashquuliyo wax xaqiiqda ka baxsan.

Waxyaabaha aad ku garanayso khaladaadka madaxda xukuumadda waxaa ugu horeeya dalka Soomaaliyeed ee muddada sodonka sano ku dhowaadka ah burbursanaa wuxuu hadda taaganyahay meel ka hooseeysa maalintii uu gobanimmada qaadanayay marka laga hadlayo dhismaha nidaamka siyaasadeed iyo qawaaniinta oo uu ugu horeeyo dastuurka, waxaana arrin laga xummaada ah in dowlad kasta ee timaadda ay ku mashquulayso heshiisyo khatar ku ah dalka, intii ay dhisi lahayd ama dhameys tiri lahayd dastuurkii difaaci lahaa danaha dadka iyo dalka!…

Dalku wuxuu ku gablamay shacbaka !…Wali lama sheegin taariikhda, kheyraad dal leeyahay oo shirkad shisheeye ahi ay iib geyso, ha yaraado ama ha weynaado, shidaalkana kumaba jiro, 15ka dale eek u bahoobay Ururka OPEC (Organization Of Petroleum Exporting Countries) Dal kasta isagaa gata, oo dhoofsada shidaalkiisa, Shirkadaha shisheeyaha ahna waxay leeyihiin oo keliya kharshaadkii lagula heshiiyay, laakiin shaqo kuma laha iib geyntiisa, sida arrimuhu u socdaan waxaa la oran karaa waxay u marqaati furayaan wararka sheegaya in Ra’iisal Wazaare Xasan Cal Kheyre uu qorshihiisu yahay inuu shirkad uu isaga wato ku wareejiyo maamulka iyo gacan ku haynta arrimaha shidaalka Soomaaliya intuusan xilka ka tegin!….

Marka aad fiiriso warqadda cazuumadda ee Spectrum Geo LTD ay ku marti qaaday xubnaha dowladda waxay caay ku tahay ummadda Soomaaliyeed waana nooca laaluush ah laakiin ku magacaaban Hadaiyad, xaggeese lagu arkay, balse adigu qiyaas Dowlad dhan oo ay Shirkad yar,oo inay wax ka dheefto rabto marti qaadayso oo Tigidhkii Diyaaradda, Dejintii, Cuntadii, (Accommodation-kii) oo dhan ka bixinaysa, balse aan ku weydiiyee qof la marti geliyay muxuu ka hadli karaa?!…Wali annagaan garanee Ingiriis wuxuu doonayo ma aha waxaan u haysano!…DP, Som Oil Gas, maantana Spectrum Geo!…

Golaha shacabka maxay u aamusanyihiin, runtii waxaa mahad iyo ammaanba mudan Aqalka sare oo muujiyay mowqifkiisa ku aaddan shirkaan, laakiin Max’ed Mursal…sida muuqata dalalka raba inay boobaan kheyraadka dalka waxay aad ugu dadaalayaan inay mar kasta shakhsiyaad magaca xukuumadeed huwan ay adeegsadaan, iyagoo arrimha dedejinaya, si ay ugu hor maraan qawaaniinta samaysmaysa iyo dhameystirka dastuurka!…

Waxaanse u sheegaynaa ragga xukuumadda ku jira ee shirka London laga marti qaaday, maxaa idin hagaya oo aad ku salaynaysaan wada hadallada aad gelaysaan haddii uusan dalkiiba lahayn qawaaniin ka hadlaysa kheyraadka dalka?

Maxaadse wax ku cabiraysaan ma fikirkiina gaarka ah ee shakhsiyadeed ?!

Mise waxaad rabtaan inaad hadhow tiraahdaan Memorandum Of Understand baan soo saxiixnay?!… Waxba ha inoo soo saxiixina, waadna ka war haysaan shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliya ka hadalkooda waa wali!…