Quraanjecel.” Reer Puntland ha kala doortaan difaaca horumarka dawladnimada iyo dib u dhaca iyo horumar la’aanta.

Paul wuxuu ahaa shakhsi u dhaxeeya dhimasho iyo nolol Alle ayaana ku xukumay insaanka oo dhan muslim iyo gaal, wuxuuna Puntland ku yimid magaca maalgashiga Puntland .

Laakiin Puntland waa dhul iyo dad u tagaan jiritaan iyo hilaal uu higsanayo shacabkeedu, marka la dilo qof ku yimid Puntland sifo maalgashi waxaa dhab ah in Puntland dib loo dhigay masaafo 100 sanno ah taasina waxay dan u tahay cadowga Punrland.

Waxa ay horey u yiraahdeen qalinlayda Africa waxka qora African-ku wuxuu ku dhintaa 25 jir waxaana lagu aasaa 75 jir oo macnaheedu yahay qofka African ka ah marka uu jiro 25 ma garanayo meesha uu usocdo iyo mana qaabaysan karo Mustaqbalkiisa marka uu 75 jir gaarana gaajo iyo cudur ayuu u dhintaa.

Hadaba reer Puntland 20 sanno ka dib in dhexdooda lagu laayo dad ka shaqaynaya maalgashi oo aysan dhibin bal ay qaarkood ku farxaan, waxay la mid tahay xikmadii oranaysay ( Dad badan cadow kama adkaan laakiin waxay doorteen ayay ku burbureen )
( كثيرٌ من البشر لا يهزمهم الأعداء
بل يهزمهم اختيارهم ! )
Puntland waxaa jooga ugu yaraan 5 shirkadood oo u yimid maalgashiga Puntland hadii mid ka mid ah dhib gaadho oo aan laga dhiidhin iyaguna waa baxayaan shirkad dambe oo soo aadaysan Puntland ma jiri doonto.

Reer Puntland ha kala doortaan difaaca horumarka iyo dawladnimada iyo dib u dhaca iyo horumar la’aanta.