DP- World oo war kasoo saartay dilkii agaasimaha dekeda Bosaso Paul Formosa.

Shirkada DP- World ayaa war kasoo saartay dilkii agaasimaheedii dekeda Bosaso Paul Formosa, kaasoo shalay kooxda Alshabab ay ku dishay magaalada Bosaso.

Shirkada DP World waxay sheegtay dhacdadaan inay hadda baarayaan shirkada P&O Port iyo dowladda  Puntland oo wadashaqeyn buuxda leh

Waxay shirkada DP World utacsiyaysay qoyska Paul Formsa.

Shirkada DP World waxay sheegtay inaysan wax tafaasiil ah bixindoonin ilaa inta xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan dhacdada la ogaanayo.

Dhinaca kale, dekeda Bosaso ayaa xiran maanta, iyadoo ay socdaan baaritaano xoogan oo lagu raadinayo macluumaad ku saabsan dilkii agaasimaha DP World.

Puntlandi.com

<