DEG DEG:- Madaxweyne Deni oo joojiyay qaabilaada dadweynaha

Tan iyo markii la caleemo saaray madaxweyne Deni, ayuu xafiiskiisa ku qaabilaayay dadweynaha Puntland, kuwaas oo uu ka dhegaysanayay talooyin.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha madaxtooyada Puntland, Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa lagu sheegay in la joojiyay dadka uu qaabilayo madaxweynuhu.

Waxaa lagu wadaa inuu madaxweynuhu haatan isku diyaarinayo magacaabida golihiisa wasiiradda oo la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka todobaadka.

<