DEG-DEG: Guddoomiyaha gobolka Bari oo beeniyay in gudaha dekeda lagu dilay Paul Formosa.

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), ayaa xaqiijiyay inuu dhagar qabe katirsan Shabaab uu ka dambeeyay dilkii maareeyihii dekeda Bosaso Paul Formosa.

Guddoomiyaha gobolka Bari, ayaa sheegay inay falkaan ku dhaawacmeen labo askari iyo sarkaal ajnabi ah oo kamid ahaa shaqaalaha hay’adda gacanta ku haysa dekeda Bosaso.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay ciidamada amnigu ku guulaysteen inay qabteen gacan ku dhiig laha oo haatan dhaawac ah laguna dabiibayo isbitaalada Bosaso. Waxaa uu sheegay guddoomiyuhu inuu gacan ku dhiigluhu qirtay inuu katirsan yahay Alshabab, ayna soo bandhigidoonaan marka la dabiibo.

Dhedo ayaa beeniyay in gudaha dekada uu falkaan ka dhacay, wuxuuna sheegay inuu falkaan ka dhacay meel u dhaxeysa dekeda iyo guriga uub degenaa Paul Formosa.

Puntlandi.com

 

 

 

<