Maraykanka oo duqayn ku dilay 13 kamid ah Alshabab.

Milatariga Maraykanka ayaa duqayn uu ka fuliyay gobolka shabeellada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dilay 13 kamid ah maleyshiyada Shabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika, ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo jimcihii ka dhacay meel ku dhow deegaanka Gendershe  in lala eegtay koox argigixiso ah oo abaabulayay Qaraxyo.

Maraykanka ayaa dhowr weerar bishii december ka fuliyay gobolka Shabeelladda hoose, wuxuuna ku dilay 62 dagaalame, kuwaas oo diyaarinayay inay weeraraan xarumaha ciidanka dowladda.

Weerarkaan hadda ugu dambeeyay waa weerarkii tobnaaad oo sanadkaan bilowga ah laga fuliyo Soomaaliya. Sanadkii hore Maraykanka ayaa qaaday ugu yaraan 50 weerar oo ka dhan ahaa Alshabab.

Khamiistii lasoo dhaafay duqayn Maraykanku ka fuliyay Hiiraan waxaa lagu dilay 24.

Puntlandi.com

<