Jaaliyada Guud Puntland ee Dalka Denmark oo Magaalada Århus xalay ku qabtay Xaflad aan loo kala harin oo lagu soo dhaweynayey Madaxwenha Cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo M/weyne ku Xigeen Axmed Cusmaan Karaash

Jaaliyada Guud ee Puntland ee Dalka Denmark ee Xarunteedu tahay Magaalada Århus ayaa habeenkii xalay qabtay Xaflad aad u weyn oo lagu maamuusaayey, laguna soo dhaweynaayey Doorashada Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Mudane Axmed Cusmaan Karaash.

Xafaldaas oo aheyd mid aad u balaaran, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala gedisan ee Xubnaha Jaaliyada Puntland iyo guud ahaan marti sharafeed ka socday Jaaliyadaha iyo Shacbiga Somaaliyeed ku dhaqan Magaalada Århus ee Dalka Denmark.

Munaasibadaas oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo aad qiimo badan oo Hambalyo, Taageeryo iyo dhiirigelinba ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Mudane Abshir Xasan Sheekhdoon Waxgarada iyo Odayaasha Magaalada iyo sidoo kale Xubno matalaayey Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Reer Århus iyo Marti sharfkii lagu casuumay Munaasibada.

Xafaladaas oo intii ay soctay ayaa lagu soo bandhigay Bandhig Faneed ay ku dhan yihiin dhamaan noocyada kala gedisan ee sugaanta Somaaliyeed.

Gabagabadii kulankaasi waxaa khadka Telefoonka uga soo qeyb galay Xaflada Madaxweynaha Cusub ee Dawlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka soo qeyb galayaashi kulankaasu uga mahadnaqay taageerada iyo waxtarka joogtada ah ee ay mar walba la garabtaagan yihiin Shacbiga Walaalahooda ah ee Reer Puntland iyo Guud ahaan midka Somaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in ay ka dhabeyn donaan balanqaadkii uu Shacbiga Puntland kalsoonidooda ku siyeen.

Ugu denbeyntii Xafladaas ayaa ku soo gabogaboowday jawi farxad leh.