Madaxweynihii hore ee Puntland oo saakay ka dhoofaya Puntland

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Cabdiweli Mohamed Cali Gaas, ayaa saaka lagu wadaa inuu ka dhoofo Puntland, isagoo ku wajahan magaalada Nairobi, isagoo uga gudbaya Maraykanka.

Madaxweynihii hore ayaa xalayto loo sameeyay xaflad sagootin ah oo ay soo qaban qaabiyeen xubno katirsan golihiisii hore ee xukuumada Puntland, kuwaas oo uga mahad celinayay hogaamintiisii.

Gaas ayaa mustaqbal wanaagsan u rajeeyay cid kasta oo lasoo shaqeysay, wuxuuna kula dardaarmay in Puntland loo shaqeeyo oo daacad loo ahaado.

Ex- Madaxweyne ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo nolashiishii hore ee shaqsiga ahayd. Waxaa cafis ka dalbaday cid kasta oo ay soo wada shaqeeyeen oo xumaan ka tabanaysa.

Puntlandi.com

 

 

 

 

<