Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Guddigii ka soo shaqeeyay Xafladii lagu caleemo saaray

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula  kulmay Guddigii ka soo shaqeeyay munaasibadii lagu caleemo saaray January 27, 2019.

Madaxweynaha ayaa Guddiga waxa uu uga mahad celiyay sidii wanaagsanayd  oo ay isugu daba rideen xaflada caleemo saarkiisa.

waxa uu madaxweynaha sidookale uu uga mahad celiyay saraakiisha laamaha amniga iyo cidamada  Puntland sidii ay  amaanka u xaqiijiyeen  intii ay xafladu socotay.

 

Munaasibadii lagu caleemo saaray Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxaa ka soo qaby galay madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Maxamed C/laahi Farmaajo , madaxda maamul goboleedyada iyo wafuud caalami ah oo ka  kala socotay dalalka dariska la,ah Soomaaliya iyo dibadiisa.