(Dhegayso) Burcada Moobilada Furata ee Gaalkacyo oo loo soo wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Garoowe

Ciidamada amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Garoowe waxa ay u soo wareejiyeen dhalinyada Moobilada furata ee magaalada Gaalkacyo oo ay ciidamadu howlgalo ku soo qab qabteen .

Dhalin yaradan ayaa dadka magaalada waxa ay ku hayeen dhibaatooyin isugu jiray Dhac ,Boob, iyo Dil .

Taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland Jen. Muxiidiin Axmed Aw Muuse ayaa lawareegay dhalinyaradan waxaana uu sheegay in sidan oo kale la,isugu wareejin doono magaalooyinka waawayn ee Puntland  dadka lagu soo qabto dhaca iyo  Moobil furashada .

Taliyaha ayaa waalidiinta  dhalay  dhalinyaradan  ku  eedeeyay in ay farax ka qaadeen , sidaasi darteedna  ciidamadu ay waajib kooda ka gudan doonaan maadaama ay noqdeen dad dhibaateeya shacabka har iyo habeen.

 

Dhegayso.