Daacish iyo Shabaab oo ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobolka Bari

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysaa dagaal saaka ku dhexmaray kooxaha Argagixisad ah ee Al-shabaab iyo Daacish  kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Ceel- Miraale oo qiyaastii magaalada Bosaaso ujira 75KM.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in laisku adeegsaday  hubka noocyadiisa kala duwan  sida ay Puntlandi.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka .

Argagixisada ayaa isku haysta sidii midba midka kale uu ugala wareegi lahaa saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka Bari ,gaar ahaan buuralayda Gal-gala iyo Calmadow .

 

Majirto wax war ah oo ka soo baxay hogaamiye yaasha Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish oo faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay dagaalkan.

18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayay ahayd markii ay Argagixisadu sidan oo kale ay ku dagaalameen meen meel aan ka fogayn deegaankaasi , waxayna Daacish ay sheegatay xiligaasi in Al-shabaab ay ka dileen ilaa iyo ku dhawaad 30 katirsan malayshiyaadkooda.

 

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa heegan buuxa ku jira iyadoo uu madaxweynaha Puntland uu balan qaaday in uu Argagixisada ka sifayn doono gobolka Bari.