Xaalada magaalada Jijjiga oo dagan iyo magaalada oo bandow lagu soo rogay

Xaalada magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobya ayaa dagan maanta kadib markii xalay ay ka dhaceen dagaal udhaxeeyay  qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida .

Iska horimaadkii ka dhacay Jigjiga ayaa sababay dhimashada laba qof oo shacab ah ,waxaan jira dad badan oo uu dhaawac fudud uu ka soo gaaray .

 

Ciidamada Milatariga Itoobiya ayaa maanta soogaaray magaalada Jigjiga kuwaas oo ka hortagay rabshadihii ka socday magaalada Jigjiga.

 

Ciidamada ayaa bandow ku soo rogay magaalada Jigjiga ,waxaan shacabka loogu baaqay in wixii ka dambeeya 10:00 aan la socon karin.

 

Saraakiisha ciidamada Liyuu Booliska ee dowladd deegaanka Itoobiya ayaa shaqaa qadan ku eedeeyay in ay soo abaabuleen xubno taageersan madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud .

Wixii ka dambeyay isbadalkii siyaasadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya waxaa daganayd xaalada magaalada Jigjiga ee maamulka dowladd deegaanka Itoobiya.

 

<