(VIDEO ) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi“ Dahaartii C/laahi Yuusuf in uu ka dhabeeyay Xamar ayay ka muuqataa “

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cali  Maxamed Geedi oo booqasho ku tagay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxa uu amaan kula duldhacay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha unaxariistee C/laahi Yuusuf Axmed iyo halgankii uu u soomaray  dowladda hada ka jirta Soomaaliya .

 

Geedi ayaa sheegay in C/laahi yuusuf Axmed himaldii uu lahaa ay hirigashay inkastoo aysan nafta ku simin in uu arko muruq iyo maalba wixii uu geeyay Muqdisho.

Halkan ka daawo.

Puntlandi.com Bosaaso .