Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan aduunka

Soomaaliya ayaa sanadkii 2018 kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan aduunka, sida lagu sheegay warbixin sanad leh oo kasoo baxday hay’adda la yiraahdo The Transparency International

Mozambique, Zimbabwe, Angola, Chad iyo jamhuuriyada Demuqraadiga Congo ayaa meel fiican kaga jira wadamada uu yar yahay musuqooda. Hay’adda 180 dal ka sameysay kormeer lagu ogaanaynay heerka musuqa dalalkaas.

Qoraaga warbixinta ayaa sheegaya in musuqmaasuqu uu kordhay halka ay dimuqraadiyada aasaasiga ahna ay daciif sidoo kalena siyaasiyiintu ay kamid yihiin dadka sida aadka ah uga qeyb qaatay musuq maasuqa.

Wadamada Denmark, New Zealand, Singapore, Sweden iyo Switzerland ayaa ku jira shanta dal ugu musuq maasuqa yar.

Dalalka Burundi, Equatorial Guinea, Sudan, Yemen iyo Somalia ayaa safka ugu horeeya kaga jira liiskaan, halka  dalka Maraykanka uu liiska 20-aad kaga jira dalalka musuq maasuqa.

Puntlandi.com

<