Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyay saldhiga Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Bay

Diyaarad nooca dagaalka ah ayaa duqayn cirka ah  wax ka fulisay xalay  saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen  deegaanka Buur Heybe ee gobolka Bay .

Itoobiya ayaa sheegtay in duqayntan ay ku dishay ilaa iyo ku dhawaad 40 ka tirsan Malayshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab .

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa Warbaahinta dowladda Itoobisha uxaqiijiyay in weerarkan uu dhacay laguna beegsaday kooxda Al-shabaab .

 

Waxa uu sarkaalkan  sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa weerarkii ay AL-shabaab ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo  todobaadkii hore qarax lagula beegsaday deegaanka Buurhakaba.

Ciidamada Itoobiya ayaa qayb ka ah howlgalka midowga Afika ee Amisom ,iyaadoo ay jiraan ciidan Itoobiyaan ah oo  ka madax banaan  howlgalka Amisom , kuwaas oo ka howlagala  koonfurta Soomaaliya.

 

 

<