(Dhegayso+Sawiro) Howlgal waddo furis ah oo laga sameeyay Bosaaso

Maamulka degmada Bosaaso  ayaa maanta sameeyay  howlgalkan  lagu bur burinayay  goobaha ganacsi iyo guryaha ku yaala hareeraha waddada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Bosaaso .

Waddadan ayaa mudo sadax sano ku dhaw waxaa ka muuqday bur bux xoogan ,waxaan dhisameeda iska kaashanaya shacabka iyo dowladda Puntland .

Guddoomiye kuxigeenka degmada Bosaaso Siciid Garoon iyo qaar kamid ah Injineerada ku howlan dhismaha waddadan  ayaa shacabka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan dhimayaasha goobaha danta guud ,ayna sii baneeyaan meelaha ay waddadu ay marayso.

Wadadan ayaa dherkeeda waxa uu noqon doonaa 11mtr oo laami ah ,kaas oo lamid ah wadooyinka  caalamiga ah .

Halkan ka dhegayso ,warbixinta uu ka diyaariyay wariyaha Puntlandi.com ee Bosaaso.

Sawiro.