
Madaxweynaha Jubalanad Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya waxa uu ku dhaliilay in ay ka gaabisay dagaalkii ay Al-shabaab kula jirtay iyo heshiisyadii iskaashiga ladagaalanka Argagixisada .
Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in dowladda Soomaaliya ay caado ka dhigatay in marka ay Al-shabaab qarax fuliyaan oo ay ku dhintaan dad shacab ah in ay ka tacsiyaso .
Madaxweynaha ayaa markale waxa uu ku dhawaaqay in Jubaland ay qaadi doonto dagaal ka dhan ah Al-shabaab , wuxuuna dowladda ugu baaqay in ay kala qayb qaadato .
Axmed Madoobe ayaa sheegay in doorashada Jubaland waqtigii loogu talagalay ay ku dhici doonto .
Dhegayso.