130 qof oo Tahriibayaal ah oo lagu la,yahay xeebaha dalka Jabuuti

Xeebaha dalka Jabuuti waxaa ka socda baadigoob xoogan oo loogu jiro dad Tahriibayaal ah oo dooni ay kula dagtay biyaha .

 

Laba doonyood oo ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah ayaa ku qariqmay xeebaha dalka Jabuuti  waxaana mid kamid ah  labadaasi doonyood saarnaa ilaa iyo 130 qof  oo isugu jiray Rag iyo Dumar .

 

Dabaylo xoogan oo ka dhacayay xeehaasi ayaa sababay in doomahan ay rogmadaan , waxayna ku siijeedeen dadkan dalalka Yaman iyo Sacuudiga.

Ciidamada bada ee dalka jabuuti ayaan ilaa iyo haatan wax faah faahin ah ka bixin tirada  rasmiga ah ee dhimashada, balse mid kamid ah dad  ka soo bad baaday labadaasi doomood ayaa sheegay in 130 qof oo uu la socaday lagu la,yahay bada gudaheeda .

 

Dadkii saarnaa doonyahan ayaa la sheegay in ay ka soo jeedeen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya .