(Dhegayso) Madaxweyne Laftagareen oo Garoowe kula kulmay shacabka ka soo jeeda Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Lafta Gareen ayaa intii uusan ka amba bixin magaalada Garoowe waxa uu kulan la qaatay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada Garoowe .

 

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay Puntland uga mahad celinayaan sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen shacabka Koonfur Galbeed iyo ganacsiga baaxada leh ee ay ku  haystaan deegaanada Puntland .

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu kula dar daarmay shacabka Koonfur Galbeed ee kunool deegaanada Puntland in ay la shaqeeyaan  dowladda  gacan bir ahna ay isaga qabtaan wax kasta oo qal qal galinkara amniga Puntland.

Dhegayso.

<