Dowladda Puntland oo marti galinaysa shirweynaha dib u heshiinta Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa maanta ku dhawaaqay inay dowladda Puntland qabanayso shir weyne dib uheshiineed oo lagu dhameynayo khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay Soomaaliya.

Shirkaan oo qabsoomidoona bisha saddexaad ee sannadkan shir, ayaa kamid ahaa qodobadii kasoo baxay kulankii ay Garowe ku yeesheen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Puntland iyo shacabkeeda waxaan aqbalay inaan fiidyo gogol nabadeed oo loogu gogol xaarayo in Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda looga shaqeeyo,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in Puntland waligeed lagu yaqiinay inay ka shaqeyso midnimada Soomaaliya, hadana ay gudanayso waajibeedkeedii dastuuriga ahaa.

Puntlandi.com

 

 

 

<