Akhriso) Maxay ka wada hadleen madaxda maamul goboledyada iyo Madaxweyne Farmaajo ?

Madaxda maamul goboledyada iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu kulamo uga socdaa magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ,kuwaas oo socday shalay ilaa iyo xalay .

Kulanka madaxda ayaa yimid kadib markii ay ka qayb galeen caleemo saarkii madaxweynaha Puntland  Siciid C/laahi Deni iyo kuxigenkiisa Axmed Karaash oo habeen hore dhacday   ,waxaana kulamadan dibad joog ka ah bahda Saxaafada .

Waxaa looga hadlayay kulamadan  arimo badan oo dalka iyo dowladnimada Soomaaliya laxiriira kuwaas oo ay ugu xooganaayeen xal uhelka kala maan duwanaanta  madaxda Soomaalida ee arimaha siyaasada  ,tashiwadaaga iyo arimaha kale ee kuxeeran dowladnimada  laguna kala aragti duwan yahay marka laga hadlayo dowladda dhexe  iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe .

Qadiyada ah abuurida jawi iskuduubni oo dowladdnimada Soomaaliya iyo hogaamiye yaasheeda ah ayaa ahayd mid haraysan xafladii caleemo saarka madaxweyne Deni ,iyadoo oo laga dalbaday madaxda Soomaalida ee ku kulansan Garoowe tashi wadaagi iyo isku tanaasulid dhexdooda ah , waxayna balan qaadeen dhankooda abuursta jawi siyaasadeed oo xasiloon .

Sahalay ilaa iyo xalay kulamadan waxa ay ahaayeen kuwo isadaba joog ahaa ,mana jirin wax war ah oo ka soo  baxay .

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilimi Karaash oo uu Puntlandi.com xafiiskiisa Bosaaso uu laxiriiray ayaa nooxaqiijiyay socoshada kulamadan hasa ahaateen waxa ay ka gaabsadeen in ay wax faah faahin ah ay ka bxiyaan, waxaan sidookale dib ulaabtay qaar kamid ah wafuudi ka soo qayb gashay caleemo saarka madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa .

Sikastaba ha ahaateen kulamadan Garoowe ka socda ayaa waxaa lafilayaa in ay ka so baxaan  qodobo laxiriira wixii laga wada hadlay iyo isala meel dhigooda.

Puntlandi.com kala soco nuxurka Warmurtiyeedka ka soo baxa  kulamadan.

 

 

 

 

<