Ogaysiis ku socda Reer Denmark Xaflada Soo dhaweynta Madaxda Cusub ee Puntland oo Aarhus ka dhacaysa

Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Denmark in la qabanayo xaflad lagusoo dhaweynayo Madaxda Cusub ee Dowlada Puntland, Xafladu waxay ka dhacaysaa Magaalada Aarhus.

Xafladaasoo ah munaasabad loogu dabaal dagayo Looguna hambalyaynayo Madaxda cusub Puntland,Madaxweyne Saciis Cabdullaahi Dani, Madaxweyne Xigeen Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Jaaaliyada Puntlnd ee Denmark ayaa xaflada soo qaban qaabisay, waxayna idinkusoo dhaweynaysaa gacmo furan iyo kasoo qaybgal waca, xasuuso Waan wada Casheynaynaa waana la wada baashaalayaa oo loo dabaal dagayaa Madaxda cusub.

Kasoo qaybgal wacan…….
Abshir Sheikhdoon
Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark.

Aarhus Denmark

Wakhtiga iyl goobta lagu qabanayo hoos ka eeg