Faah Faahin: Ciidamada Kenya oo howlgalo ka wada magaalada Nayroobi kadib qaraxii xalay

Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa  qarax khasaare gaystay oo xalay ka dhacay  meel ku dhaw waddada Latema Road ee magaalada Nayroobi .

inta laxaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo sadax qof oo shacab ah, waxaana uu khasaare xoogan uu soo gaaray goobo ganacsi oo ka aag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay .

 

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in kaamarada qarsoon ay duubtay ninkii qaraxa gaystay oo gaariga gadaashiisa wax kala baxaya .

 

Bishaan gudaheeda ayuu ahaa markii kooxda Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday  ku qaaday Hotel caan ahaa oo ku yaalay magaalada Nayroobi , kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof , halka ay ku dhaawacmeen dad intaasi ka badan.

Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa mas,uuliyada weeraradaasi sheegatay .

 

<