(Dhegayso) C/raxmaan C/shakuur oo ka jawaabay sababtii uusan uga hadlin caleemo saarkii madaxweyne Deni

Maalin ka hore siyaasi C/raxmaan C/shakuur ayaa soo gaaray magalaada  Garoowe si uu uga qayb galo caleemo saarkii madaxweyne Deni ,wuxuuna safarkiisa uu dhaliyay hadal hayn badan oo ku aadan sababtii uu xaflada uga hadlin, maadaama uu kamid ahaa siyaasiyiinta ugu tunka wayn Soomaaliya ,gaar ahaan mucaaradka  .

waxaa horay ujiray amaro ka soo baxay saraakiisha ciidamada Puntland ee ku aadanaa in gudaha Puntland aan lagu arki karin wax calaamad ah ama sataan ah oo uu leyahay Xisbiga uu hogaamiyo  .

waxa uu shegay  C/raxmaan C/shakuur in aysan madaxda Puntland wax lug ah aysan kulahayn sababtii uu uga hadli waayay  madashii caleemo saarka ,maadaama ay xafladu ahayd mid mahad celin ah loona gaar yeelay dadkii kalmadaha ku qornaa .

waxa uu shegay in ay jireen siyaasiyiin badan oo lamid ahaa isga ,base aan xaflada ka hadlin taasna macnaheedu maha in C/raxmaan C/shakuur farta lagu soo godo ayuu yiri .

mar uu ka hadlaayay eeda ah in uu la shaqeeyo dowlado shisheeye ayaa ku jawaabay C/raxmaan C/shakuur   in cadaynta rasmiga ah ee arintaasi loga baahan yahay in ay  keenaan kuwa ku eedeenaya .

waxa uu sheegay C/raxmaan C/shakuur in arintan looga gole leeyay sidii isaga sumcadiisa loo dili lahaa .

Dad badan ayaa  ku hadal hayay arintan  baraha ay Bulshada ku xiriiro.

Hadaba C/raxmaan C/shakuur  ayaa arimahaasi ka jawaabay galabta.

Dhegayso.

<