BREAKING NEWS: Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo shir uga socdo Garowe

Dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federalka ayaa haatan shir albaabada ulaaban yahay uga socdaa xarunta madaxtooyada Garowe,

Lama oga waxyaabaha shirkaan looga hadlayo, hase yeeshee, warar uu Puntlandi helayo ayaa sheegaya inuu shirkaan soo jeediyay dowladda Puntland, Dr, Siciid Cabdulaahi Deni, kaasoo xal uraadinaya khilaafka ka dhex taagan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Xafladii caleemo saarka ee xalay, ayay madaxdu ku muujiyeen inay cid walba diyaar u tahay in khilaafka la dhameeyo gacmahana la is qabsado islamarkaana la iska cafiyo wixii xurguf siyaasadeed ah.

Waxaa la filayaa in shirka kadib lagasoo saaro war murtiyeed.

La soco Puntlandi.

 

 

 

 

<