(Akhriso ) C/raxmaan C/shakuur ma isagaa diiday in uu ka qudbeeyo caleemo saarka madaxweyne Deni ,mise waa loo diiday ?

Xafladii xalay ee lagu caleemo saayaray  madaxweynaha dowladda  Puntland Siciid C/laahi Den iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash  ayaa mas,uuliyiintii lagu casuumay waxaa kamid ahaa siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo ah Guddoomiyaha  Xisbiga Wadajir oo aan wax kalmad ku yeelan xalfadii caleemo saarka.

Dad badan oo la soo xiriiray warsidaha Puntlandi.com ayaa iswaydiinayay sababtii keentay in C/raxmaan C/shakuur wax qudbad ah uusan ka jeedin madasha .

Hadab si aan jawaabo ugu helno  waydiimaha shacabka Soomaaliyed ee ku aadan arintan ayaa waxa uu Puntlandi.com uu u kurgalay sidii uu xog dheeraad ah uga heli lahaa arimahaasi , waxaana laxiriirnay siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo Puntlandi.com u sheegay in ay been abuur yihiin wararka laysla dhexmarayo baraha bulshada ay kuxiriirto ee ah in C/raxmaan C/shakuur loodiiday in uu khudbad ka jeediyo xafladii caleemo saarka madaxweyne Deni.

Waxa uu sheegay in uu sagu codsaday in aan lagu qorin qudbad jeedinta .

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sidookale waxa uu ku wargaliyay madaxda maamul goboleedyada dalka ee ka soo qaybgalay xaflada in aysan madasha ka jeedin hadalo dhiilo xumbaarsan oo lagu durayo madaxweyne Farmaajo , taas oo ay madaxda maamul goboleedyada ay ka aqbaleen madaxweyne Deni

 

Sikastaba ha ahaateen munaasibadii caleemo saarka madaxweynaha Puntland  iyo kuxigenkiisa ayaa xalay waxa ay ku soo dhamaatay jawi dagan oo Nabdoon , waxaana saaka  Madaxtooyada Puntland ka socoda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda kusugan Garoowe .

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa mudo laba maalin ah ku sugnaan doona magaalada Garoowe iyagoo sheegay in ay kulamo laqaadan doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Amaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay ,siiba goobaha ay dagan yihiin martida ,waxaana amniga sugaya ciidamada Booliska ,Daraawiishta, PSFta iyo  ciidamada Bada Puntland ee PMPFta.

 

 

 

<