Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo Garowe soo gaaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa goor dhowayd kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, isagoo kamid ah wafuuda lagu casuumay xaflada caleemo saarka madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Shariif Sheikh Axmed ayaa hogaaminaya wafdi siyaasiyiin ah oo qeyb ka ah xisbigiisa Himilo, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa.

Puntlandi.com

 

 

<