
Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo ay ka dhacayso caawa caleemo saarka madaxda cusub ee Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa waxaa ku soo wajahan wafdigii uu hogaaminayay madaxweyne Farmaajo.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa ku sugan oo halkaasi Madaxweynaha ku soo dhawaynaya Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ,madaxda maamul goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray Garoowe, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya , Wasiiro Siyaasiyin , Aqoonyahano , Culimaa,udiin iyo Ururada bulshada rayidka ah .
Amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay ,sida uu ku soo waramayo wariyaha Puntlandi.com ee magaalada Garoowe .
Waa booqashadii labaad oo Puntland ku yimaado Madaxweyne Farmaajo sanad kadib , waxaan Garoowe ku sugan oo Madaxweynaha kaga horeeya siyaasiyiin ay ka mid yihiin C/raxmaan C/shakuur iyo Xasan Sheekh Maxamud oo horay u soo noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya .
Akhriste lasoco faah faahinta warkan .sawiro iyo muuqaalo .