Caleemo Saarka Madaxweyne Deni iyo Karaash : – Car !…Car libinta qaata oo talo iyo caqli isku raaca !!!

Qore Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Doqon Xin mooyee
Xil Ma Xeeriso!

Nolosha qofka bin-aadanka wuu rog-rogaa, oo wax buu bedelaa oo wax kale ku dayaa, oo mar-mar middiisa gaarka ah ka tagaa oo midda ka weyn fiiriyaa… oo mar-mar u turaa oo ka tagaa wuxuu lahaa….oo marka uu u liito, oo u liito gartiisa qaataa! Waana sidaas qaabka iyo sida ay nolosha bini aadanka ku soo baraartay

!…Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan Alle ha ka raali noqdo dhammaantoodee, baa wuxuu leeyahay qiso cajiib ah oo talada siyaasadda dowladnimo waxa ay tahay baad is leedahay waa lagu soo koobi karaa, wuxuuna ka soo qaaday xiriirka isaga iyo dadka ka fikirka duwan inuu la mid yahay xabbad tin ah oo uu isaga daraf haysto, iyagana ay haystaan darafka kale, taasoo marka ay jiitaan,uu isagana jiidanayo, laakiin haddii uu arko inay go’I rabto tintaas (Xiriirkaas)uu isaga dhiniciisa u dabciyo, si aysan u go’in!…Aqoon iyo caqli, diplomats-iyadda noocaas ah ama sida loogu yeeraba SHacaratu Mucaawiye, maanta waa midda ay siyaasadda Soomaaliya ugu baahi badantahay, waana midda madaxda Soomaaliyeed aad moodo dhammaantood inay ka arradan yihiin!… nimmaan intaas fahmayn sidee talo dal leeyahay loogu aamini karaa?!…

Caleemo saarka madax-weynaha dowlad goboleedka Puntland waxaa ka muuqata fursad weyn oo u baahan in la garto, waa fursad aad u quruxsan, waa fursad haddii ay gartaan siyaasiyiinta isugu yimid munaasabadda ay ka sameyn karaan jawi is faham islamarkaasna laga bilaabi karo wada hadal looga gudbi karo Meesha ay xaaladaha siyaasadeed ee dalka maanta taagan yihiin.

Waxaa cajiib ah oo malaha dad badan ka qarsoon arrin ay ku fekeraan dhammaan siyaasiyiintii soo baxay burburkii dalka ka dib, waana dabeecadaha iyo caqliyadda ay siyaasiyiintaas iska shabbahaan marka lagudaro qabqablayaashii dagaalka…waxaana dhamaantood u qarsoon in ay rabaan in nidaamkii Max’ed Siyaad ee keli talisnimmada ahaa ay dalka ku maamulaan, waana Meesha ay sartu ka qurantay oo khilaafaadka aan sababtooda la garanayn inta badan ay salka ku hayaan…Waase himmad been ah!….

Talada markay taagantahay hadaadan
Garan, Markay tagto gocoshay reebtaa!

Waxaa haboon in fahamku uusan innaga khaldamin, arrinta Caleemo saarka Madax-weyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa ka dhex muuqda oo si Alle keen ah meesha u yaala gogol wada hadal! Allow yaa maanta garta oo gogoshaas ku wada shaaha!… Qahwa ku wada cabba!…Caleemo saarka sida laysugu yimid waxaa kaloo ay cadayn u tahay inaan ummad iyo dal keliya nahay, waxaana intaas dheer sidaan isugu egnnahay ee aan laynoo kala garanayn! Yaa Xamar ka yimid?!… Yaa Hargeysa ka yimid?!… Yaa Baydhabo ka yimid?!…Beled-Weyne…Kismaayo…Cadaaddo…

Meel kasta ha ka yimaadee, Qof midka kale ka duwan ama looga turjumayo kuma jiro!…Kee baa marti ah keebaase loo yahay?!…bal adiguba kala garo, qosolka, sheekada, qof keliya oo martinimo dareemaya ama ay ka muuqato kuma jiro! Oo waxaaba la ii sheegay in xubno badan oo ka mid ahaa wufuudda gaaray Garowe markii ay ka baxeen gigada diyaaradaha islamarkiba ay magaallada kala galeen!…oo maxaadiidaya?!…

Allow talo ma idin la gudboontahay!… Madaxweyne Deni iyo Karaash markii la doortay baa la caleemo saaray oo waliba la dhaariyay, laakiin caleemo saarka hadda laysugu yimid Allow danta ka dhex muuqata ka weynaa, Allow waxa lays ku hayo oo la leeyahay waa laysku khilaafsanayaha yaraa!…Sagaaro biyo waa cabtaa iyo ma cabto!…

Oo haba lays khilaaf ee maxaa wadahadalka loo diidayaa?! Waase yaabee ma nin wax uu gaar u leeyahay laguhayst ayaa jira mise waxa laysku hayo waa danihii ummadda oo xeerarkoodii iyo hab-raacoodii wata?

!… Muddo dheer intii aan arkayay khilaafaadka soo dhex gala siyaasiyiinta Soomaaliyeed dhammaan waxaa sabab u ahaa qaynuunka iyo dastuurka oo laga tegayay ama dan gaar ah oo dhinacyada is khilaafay midkood u qarsoonayd, waxaa iyadana hubaal ah oo aan muran ku jirin in la heshiinayo haddii waxa laysku hayo ay yihiin danta guud ee dadka iyo dalka xataa haddii dastuurka iyo qaynuunka lagawaayo qodob lagu kala baxao haddii aanan dano gaar la soo dhex gelin!…

Mar haddii ay sidaas tahay waxaa kuu cadaanaysa in khilaafka dowlad goboleeddada iyo xukuumadda dhexe aysan dano gaar ah ka dhex marnayn, sida muuqatana dowladda dhexe waxaa lagu eedeyniyaa ama dad badan oo ku dhow-dhow xafiisyada xukuumadda ay tilmaamayaan in dowladda dhexe ay bannaanka ka taagantahay xayndaabka dastuurkii iyadalagu soo doortay iyo wax kasta oo xeerar ahaa oo jiray!….

Khilaafka hadda jira, kooxihii uu ka dhexeeyay maanta Garowe ayeey wada joogaan, madaxdii dowlad goboleeddada iyo madaxdii dowladda dhexe,Dad-weynaha Soomaaliyeedna waxaa u muuqda munaasabadda caleemasaarku inay ka gudo weyntahay caleemo saar keliya oo ay ku dhex jirto munaasabaddii wada hadalka!, Munaasabaddii wax is weydiinta,…runtii ma aha wax looga bartay siyaasiga Soomaaliyeed, laakiin sida xaalka uu yahay baa waxay ka dhigaysaa mid aan la inkiri karin in la wada hadlo!

Waxayna tijaabo cad u tahay xil-kasnimmada mas’uuliyiinta dalka, waxayna si gaar ah xujo ugu tahay madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, oo isaga laga doonayo inu ka odeyeeyo oo irriddaha wada hadalka furo,

Waxaa dad-weynaha u muuqda yididiilo fiican waxayna badankod rumaysanyihiin ugu yaraan is aragga labada dhinaca uu noqon doono bilow fiican!…

Waxaana talo wanaagasan ah in madax-weyne Farmaajo uu sal buuxa u fariisto, oo uusan soo deg degin marka uu hadalkiisa munaasabadda ku aaddan jeediyo, arrintani waa walaac muuqda oo ay suuro gal tahay in sidaas madax-weynaha ay u qorshaysantahay!

Madax-weyne Farmaajo iyo mucaaradka ka soo hor jeeda waa inay fahmaan Garowe munaasabadda caleemasaarka waxay ku quruxsanaan lahayd in lagu kabo heshiis maanta dhex mara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxayna noqon lahayd tilaabo horay loogu qaaday dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo midnimmada ummadda…waa tilaabo geesinimo u baahan, haddee Farmaajo ma samayn karaa?!…mucaaradka ku kacsana ma ka suurowdaa?!….

Sida caleema saarka loo wada yimid waxaad moodaa in lagu ballamay si loo wada hadlo laakiin nin kasta iskala weynyahay inuu isaga bilaabo

!….Car!…oo Car libta qaata oo talo iyo caqli isku raaca!…oo maanta wada hadla, iyadoon uusan shisheeye isu kiin keenin, dadkiina adinkoo u danayniya!… Car libta qaata oo dadkiina kalsooni geliya!…Allow maanta maalin ma tahay!…