(Akhiso) Madaxweyne Farmaajo ma fuliyay sanad kadib mashaariicdii uu ka balan qaaday shacabka Puntland ?

Madaxweyne Farmaajo sanadkii 217kii ayay ahayd markii uu booqasho ku yimid deegaanada Puntland ,waxaana si aan hagrasho lahayn loogu soo dhaweeyay magaalooyinka ,Garoowe , Bosaaso , Gaalkacyo iyo Qardho. .

 

Madaxweynaha magaalooyinkaasi uu tagay waxa uu ka dhegax dhigay mashaariic horumarineed oo uu ka balan qaaday shacabka Puntland .

 

Hadaba mashaariicdaasi uu Madaxweyne Farmaajo uu balan qaaday sanad ka hore  ilaa iyo haatan wax  ka hirgalay majiraan waxayna dadku iswaydiinayaan sababtu waxa ay tahay ?  maxaase  waxa ay ahayd afka baarkiisa ?

Hadaba halkan ka Akhriso  mashaariicda uu balan qaaday  Madaxweyne Farmaajo .

1- Dhismaha Waddo laami oo isku xirta Garoowe iyo Eyl (222km)
2-Dhismaha Waddo laami ah oo isku xirta Kala Bayr iyo Caluula (376 km)
3-Dhismaha Waddo laami ah oo isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo (264km)
4- Dhismaha jaamacadda Umadda ee Qardho.

Sahacbak ku dhaqan gobolada uu ka balan qaaday Madaxweynaha in mashaariicdaasi  uu ka hirgalinayo ayaa aad u soo dhaweeyay balan qaadkiisii sanad ka hore , waxayna shacabku iswaydiinayaan halka ay ku dambaysan baqal qaadka Madaxweyne Farmaajo  , halka dadka  qaar kood  ay ba qabaan in ay arintuba ay ahayd igusawir oo kaliya oo ah oraah  ku caan baxday  baraha bulshada lagana arkay  madaxda dowladda dhexe ee Xamar .

 

<