Wasiirka warfaafinta Puntland,” Caleemo saarka madaxweynaha ma oggolaandoono in arrimo siyaasadeed looga faa’idaysto

Garowe (Puntlandi) Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo kamid ah guddiga qaban qaabada caleemo saarka madaxweynaha Puntand, ayaa caddeeyay in aan la ogolaandoonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga fa’idaysto xaflada caleemo saarka.

Wasiirka warfaafinta oo wareysi siiyay saxaafada ayaa sheegay guddiga qabanqaabadu inay kala hadlidoonaan martida qudbadaha ka jeedinaysa xaflada in ay iska ilaaliyaan wixii arrimo siyaasadeed ah oo keeni kara xanaf.

Cabdi Xirsi Cali ayaa sidoo kale sheegay inayan dowladdu wax ujeedo siyaasadeed oo u gaar ahka lahayn inay Garowe isugu keento wafuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexayso, balse muhiimadu tahay in dowladdu muujiso inay qadarin uhayso muxaafid iyo muxaafid.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysa oo ay madal isugu imaandoonaan Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo aad loo sugayo qudbadahooda.

Puntlandi.com

 

<